Wararka

Trump oo isku muujinaya qof aan waxba kala socon weerarkii Capitol Hill ayaa weerar afka…

President Donald Trump walks across the tarmac to board Air Force One at in Andrews Air Force Base, Md., Saturday, Dec. 12, 2020, to travel to Michie Stadium at the United States Military Academy to attend the 121st Army-Navy Football Game at West Point, N.Y. (AP Photo/Andrew Harnik)

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump oo isku muujinaya qof aan waxba kala socon weerarkii ka dhacay dhismaha Capitol Hill ee Congrees-ka Mareykanka aya weerar afka ah ku qaaday dadkii rabshadahaasi ka danbeeyay,

Wuxuu sheegay Trump in dadkaasi weerarka ku qaaday xarunta ay meel uga dhaceen sida uu hadalka u dhigay Dimuquraadiyada dalka Mareykanka.

Muuqaal uu soo duubay oo uu arrimahan uga hadlayay ayuu sidoo kale sheegay in uu hadda ku howlan yahay sidii uu u sameyn lahaa xil wareejin sharci ah, isaga oo intaa ku darray in maamulka cusub la caleemo saari doono 20ka bishan Janaayo.

Hadalkiisa ayaa imanaya xili xildhibanada labada Aqal ee mucaaradka ku ah madaxwyenaha ay ku baaqeen in xilka laga xayuubiyo ka dib weerarkii ka dhacay dhismaha Capitol, kaasi oo ay fuliyeen taageerayaasha careysan ee Trump.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12777 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: