Wararka

Diyaarad rakaab ah ayaa la waayey wax yar kadib markii ay ka duushay Jakarta ee Indonesia…


Diyaarad Rakaab ah oo ay la socdeen in ka badan 50 qof ayaa la waayey waxyar uun ka dib markii ay ka duushay caasimada Indonesia ee Jakarta.

Diyaaraddan Sriwijaya Air Boeing 737 ayaa lumisay xiriirkii ay la laheyd gobalka Pontianak ee gobalka West Kalimantan ee dalkaasi Indonesia.

Wasaaradda gaadiidka ayaa sheegtay in ay socdaan howlo baadi goob iyo badbaadin ah.

Shirkadda duulimaadyada ee Sriwijaya Air ayaa sheegtay inay weli uruurineyso macluumaadka duulimaadka, halka dadka deegaanka ay diyaaradan ugu war danbeysayna sheegeen in ay arkeen walxo u eg burbur diyaaradeed.

Baadigoobka diyaaradan ayaa bilaawday kadib markii isgaarsiinta diyaarada la waayay wax yar kadib markii ay ka duushay garoonka magaalada caasimadda ah ee Jakarta sida ay sheegtay Wasaarada gaadiidka dalkaasi.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12777 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: