Wararka

Golaha midowga murashaxiinta ayaa ku tilmaamay wax lala yaabo go’aankii ka soo baxay…


Golaha midowga murashixiinta Soomaaliya ayaa wax lala yaabo ku tilmaaamay go’aankii maanta kasoo baxay Ra’iisal wasaaaraha Soomaaliya oo sheegay in dowladdu bilaaabayso hirgalinta doorashooyinka Soomaaliya, iyadoo weli uu jiro khilaaf siyaasadeed.

Afhayeenka murashixiinta, Ridwaan Xirsi Cabdi oo Garowe shir jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay go’aanka Ra’iisal wasaaraha inuu ka turjumayo in madaxweyne Farmaajo uusan doonayn inuu Soomaaliya uu ka qabto doorasho la isla oggol yahay.

Afhayeenka murashixiinta ayaa sidoo kale beeniyay war uu sheegay madaxweynaha Galmudug oo ahaa inuu Puntland, Jubbaland iyo dhinacyada kale tabashada qabay uu gaarsiiyay jawaabtii ay madaxda kasoo bixiyeen dalabkooda.

Wuxuu sheegay afhayeenku in qorshuhu ahaa in madaxweynaha Galmduug uu Garowe kusoo laabto, kadibna ay ka dhegaystaan jawaabta madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaruhu ka yiraahdeen dalabkii loo gudbiyay ee ka koobnaa saddexda qodob.

Wuxuu sheegay madaxweynaha inuu doonayo inuu doorashada ku galo guddiyada doorashada ee uu muranku ka taagan yahay islamarkaana ay muuqato in la iska indho tirayo baaqyada kasoo yeeraya daneeyayaasha doorashada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12858 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: