Shirkadda Twitter ayaa hawada ka saartay gebi ahaanba boggii Trump uu ku lahaa…
Shirkadda Twitter-ka ayaa hawadda ka saartay gebi ahanba boggii madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump kadib markii la ogdaaday in loo adeegsado erayo kicin ah ama aan u wanaagsaneyn amniga dalka.
Sidoo kale Twitter ayaa ku eedeysay madaxweyne Trump in uu ku xadgudbay sharciyada iyo badqabka ee u yaala shirkadda, bogga madaxweynaha ayaa waxaa ku xirnaa 88.7 malyuun oo qof .
Dad magac ku dhax leh siyaasadda dalka Mareykanka ayaa si isdaba joog ah uga dalabanayay saacadihii ugu danbeeyay in ay tallaabo ka qaado qoraalada uu madaxweynaha soo dhigayo Twitter kuwaa oo keeni kara kicin bulsho iyo nabadgalyo darro.
tallaabadan ayaa ka dhiggan in Trump aanu isticmaali doonin Twitter oo uu aad u jeclaa kuna qori jiray wararka uu rabo in ay saaxafada qaadato.
Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com
U dhaaf Halcelis