Wasiir Beyle ayaa xaqiijiyey in aysan jirin wax heshiis ah oo ku saabsan qodida shidaalka…
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka hadlay arrimaha Shidaalka ee aadka loo hadalyay toddobaadkaan, wuxuuna xaqiijiyay in aysan jirin wax heshiis ah oo ku saabsan qodida Shidaalka Soomaaliya oo lala saxiixday shirkaddo ajanabi ah.
“Cid wax lala saxiixday ma jirto shirkaduhu waa iman karaan waana yimaadaan, qaarbaa maalin dhawayd yimid wadahadalo la wada galay, wax hadda la saxiixayna ma jiraan. Waxaa la saxiixi markii annagu oggoolano, dowladdu jaranjaro ayey leedahay markii sharci la samaynayo jaranjaradaas marka ay soo dhammaato ciddii wax saxiixaysay ayaa saxiixaysa”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo ka hadlay arrimaha deyn cafinta, isagoo tilmaamay in hannaanka Maaliyadda dowladda dib-u-habaynta badan iyo horumarka laga sameeyay dhawrkii sanno ee la soo dhaafay.
Diiwaan gelinta shaqaalaha dowladdu ayuu sheegay in ahayd taallaabo horumar wayn laga sameeyay si loo saxo hannaanka bixinta musharaaradka shaqaalaha rayidka iyo kharashaadka Hey’addaha dowladda ee kala duwan.
Waxa uu sheegay sidoo kale wax soo saarka dakhliga gudaha inuu kordhay sanadihii u dambeeyay iyadoo Miisaaniyadda dowladda ee Baarlamaanka uu dhawaan ansixiyay ay gaartay 860 milyan oo doollar sanadkaan 2021.
Wasiirka ayaa sheegay sidoo kale in Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya uu meel wanaagsan marayo, Deyntii Soomaaliya lagu lahaana bar laga cafiyay inta hartayna qorshuhu yahay in la cafiyo waqtiga lagu heshiiyay ee 2022-23 haddii dowladda Soomaaliya sharuudaha iyo heshiisyada Deyn cafinta ay ka soo baxdo.
Shabakada Wararka, hagaag.com Info@hagaag.com
U dhaaf Halcelis