Wararka

Booliska Mareykanka ayaa xabsiga u taxaabay qaar ka mid ah raggii weeraray Aqalka Congress-ka…


Booliska dalkaasi Mareykanka ayaa xabsiga u taxaabay qaar ka mid ah raggii hormuudka u ahaa kooxdii taageersaneyd Donald Trump kuwaas oo maalmo ka hor xoog ku galay xarunta Congrees-ka Mareykanka islamarkaana bililiqo iyo bur-burin ka geystay.

Raggan oo warbaahinta kasoo muuqday iyagoo gudaha ugu jira xarunta. qaar ay sitaan agab, qaarka kalena ay lugaha is-dul saarteen miiska xafiisyada madaxda Congress-ka sida guddoomiyaha Nancy Pelosi.

Ninka ugu dambeeya ee ay boolisku soo xiraan ayaa ah Adam Christian Johnson (36) oo la arkayay isaga oo sita miiskii khudbadda ee guddoomiye Nancy.

Adam Christian Johnson ayaa kasoo jeeda gobolka Florida, waxaa uu ku jiray liiska FBI-da ay u baadi-goobeyso dhacdadii xarunta Congress-ka Mareykanka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12809 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: