Dagaal culus oo saameyn ku yeeshay inta badan xaafadaha degmada Wanlaweyn ayaa ka dhex…
Wararka ka imanaya degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in maanta ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamo ay kala wataan guddoomiyaha degmada iyo ku-xigeenkiisa.
Dagaalka oo ahaa mid culus oo saameyn ku yeeshay inta badan xaafadda degmada ayaa ka bilaawday xaafadda lagu magacaabo Muuri, kadib markii la sheegay in labada dhinac isku maandhaafeen isbaaro la dhiggay gudaha degmada.
Axmed Cabdi Maxamed oo qeyb ka ah dhinacyada dagaalamaya ayaa sheegay in uu soo weeraray guddoomiyaha degmada Wanlaweyn oo ciidamo wata.
Guddoomiye ku-xigeenka ayaa intaa ku darray in ciidamada militariga dowladda ee ku sugan degmada isku dayeen in ay arrinta soo fara galiyaan laakiin waxba ka qaban waayeen.
Ma jiro wax war ah oo laga hayo dhinaca guddoomiyaha degmada ee eedeynta loo jeediyay.
Wanlaweyn waxaa marar badan oo hore sidan uga dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda oo u abaabulan qaab beelleed.
Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com
U dhaaf Halcelis