Wararka

Dowladda Itoobiya ayaa gacanta ku dhigtay mid ka mid ah xubnihii loogu doon doonista…


Dowladda Itoobiya ayaa gacanta ku dhigtay mid ka mida xubnihii loogu doon doonista badnaa ee Xisbiga Tigreyga (TPLF).

Sebhat Nega oo 80 jir ah iyo sideed xubnood oo kale ayaa laga soo qabtay Gobolka Tigreyga, oo ay ku dhuumaaleysanayeen, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalkaasi.

Ninkan iyo xubnaha kale ee lala soo qabtay ayaa diyaarad militari lagu keenay Magaalada Addis Ababa, halkaasoo lagu maxkamadayn doono.

Sebhat Nega ayaa ka mid ah Saraakiishii lafdhabarta u ahayd Ururkii TPLF, ee afgembiga dalkaasi kula wareegay, sanadkii 1991-kii.

Dowladda Itoobiya ayaa bishii November weerartay Gobolka Waqooyiga dalkaasi ku yaala ee Tigray, iyadoo maalmo ka dibna hoggaamiyeyaashii TPLF u soo bandhigtay in ay isa soo dhiibaan, walow ay taasi ku gacan-seyreen.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12858 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: