Wararka

Maamulka Somaliland ayaa xayiraadii ka qaaday telefishanka Universal oo horey looga…


Maamulka Somaliland ayaa maanta xayiraadii ka qaaday telefishanka Universal oo kamid ah telefishinada madaxa bannaan, kadib muddo dhowr bilood ah oo lagaga mamnuucay inuu ka shaqeeyo gudaha Somaliland.

Qoraal maanta kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa lagu sheegay in wasaaradda iyo telefishinku kala saxiixdeen heshiis cusub oo ilaalinaya dastuurka iyo xeerarka u degsan xuska maalmaha qaran.

Bishii june dhamaadkeedkii sanadkii hore 2020, ayaa universal tv lagu soo rogay xayiraadda maanta laga qaaday kaddib markii TV-gu diiday baahinta khudbaddii madaxweyne Muuse Biixi ee habeenkii 26-ka June.

Somaliland ayaa Universaltv ku eedeeyay in ay xurmeyn waayeen maalinta ay xornimada qaateen gobolladii Waqooyi ee haatan ah Somaliland.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12907 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: