Wararka

Real Madrid ayaa ku fashilantay in ay hogaanka Spain si ku meel gaar ah u qabato kadib…


Real Madrid ayaa ku fashilantay inay qabato hogaanka horyaalka Spain, inkasta oo ay si ku meel gaadh ah u qaban laheyd, ka dib markii ay ku dhacday afka kooxda Osasuna oo barbaro goolal la’aan ah ku kala baxay, kulan ka tirsanaa wareega 18-aad ee horyaalka, halka Barcelona ay ku garaacday Granada 4-0 iyo Seville oo 3-2 uga badisay Real Sociedad.

Garoonka ciyaarta ayaan wax saameyn ah ku yeelan waxqabadka ciyaartoyda Real Madrid iyo Osasuna, mana jirin fursado badan oo khatar ku ah labada gool, sababtoo aheyd cimilada oo aad u qaboobeed iyo baraf ku habsaday qeyb weyn oo garoonka ah.

Real ayaa dhibicdeeda ka dhigtay 37 dhibcood oo kaalinta 2-aad ku jirta iyada oo hal dhibic ka dambaysa kooxda Atletico Madrid halka Osasuna ay leedahay 15 dhibcood kuna jirta kaalinta 19-aad.

Dhinaca kale laacibka reer Argentina ee Lionel Messi ayaa kooxdiisa Barcelona ​​ku hogaamiyay guul 4-0 ah oo ay ka gaareen kooxda Granada. Barcelona ayaa ku hormartay gool uu u dhaliyay Antoine Griezmann daqiiqadii 12-aad, ka dibna Messi ayaa dhaliyay labo gool daqiiqadihii 35-aad iyo 42-aad, waxay kusoo idlaatay qeybtii hore ee ciyaarta iyadoo Barcelona ay 3-0 ku hogaamineyso.

Qeybtii labaad, Griezmann ayaa dhaliyay goolkiisii ​​labaad iyo kan afaraad ee Barcelona daqiiqadii 63aad, qeybtaan ayaa sidoo kale waxaa kaarka cas ka qaatay ciyaaryahanka Granada Jesus Vallejo daqiiqadii 78aad.

Labadii gool ee uu Messi dhaliyay ayaa waxay ku hogaamisay kala horeynta gooldhalinta La Liga isagoo leh 11 gool, wuxuu hal gool ka horeeyaa gool dhaliyaha Villarreal ee Gerard Moreno.

Barcelona ayaa dhibicdeeda ka dhigtay 34 dhibcood iyaga oo ku jira kaalinta 3-aad, Granada dhibicdeeduna waxay ku joogsadeen 24 dhibcood oo ku jirta kaalinta 7-aad.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12777 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: