Wararka

Xasan Sheekh: Masiirka dalka suuq madow ma aha, mana wadi karaan afar ruux oo is jecel…


Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kana mid ah midowga musharixiinta dalka ayaa si adag uga jawaabay tallaabadii ay xukuumaddu ku go’aansatay in doorashada la qabanayo iyadoo aysan jirin cid loo joojinayo.

Xasan Sheekh ayaa ku tilmaamay go’aankaas mid khatar ku ah sida uu hadalka u dhiggay midnimada dalka, isaga oo sheegay in aan wax la aqbali karo aheyn in la qabto doorasho hal dhinac oo kaliya ka socta.

Wuxuu sheegay in dalku halis gali doono haddii lagu sii socdo go’aanka doorasho ee xukuumaddu ku dhawaaqday, isaga oo intaa ku darray in aysan helin jawaabtii ay ka sugayeen dhinaca dowladda, laakiin ka war heleen oo kaliya go’aankan ay dowladdu qaadatay.

”Anagoo ka warsugeyna madaxdii ayey warka aad aragteen soo saareen waa yimaadeen war qaarkiis qadaf ah, waalaga soconaa. dalkan hadda ayuu kala taagan yahay Somaliland ayaa naga maqan oo la raadineyay.. qaar kalena in sabab loo abuuro ay gooni isu taagaan sax maaha, qaddiyada doorshada ee maanta taagan waa hannaan u baahan kalsooni iyo wadar ogol, waxayna ku habooneyn in shir la isugu yimaado oo lagu soo bandhigo ayuu yiri ” Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa intaa ku darray in marnaba madaxweynaha u socon doonin in dadka qaarna uu yiraahdo waa laga maarmaa kuwa kalana uu ciidan ku daabulo si xoog loogu maquuniyo, isaga oo intaa ku darray in mas’uuliyiintii ka hadashay doorashada aysan dadkoodu ku matalin go’aankaa isaga ah.

”Madaxweynaha sidii ruuxaantii dadka yuusan ka soo dhex hadlin ee bannaanka ha yimaado, haddii shalay doorashooyinkii ciidan iyo xoog lagu boobay, tani tii hore waa ka duwan tahay ayuu yiri” Xasan Sheekh.

”Masiirkan dalka Suuq Madow ma’aha. mana wadi karaan afar ruux oo is jecel, waan tallada dib loo celinayaa mar kalana leysugu yimadaa shir” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh ugu danbeyntii oo ka hadlay ciidamada la geeyay magaalada Beledweyne iyo meelaha kale ee dalka u qaadanayaan micnahooda in doorashada lagu boobo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12777 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: