Wararka

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay gacanta ku soo dhigeen madax ka tirsan Tigrayga…


Dowladda Itoobiya tan iyo markii ay soo afjartay dagaalkii gobolka Waqooyiga ay kula gashay xoogagga Tigrayga, waxaa ay ku raad joogta sidii ay gacanta ugu soo dhiggi laheyd saraakiisha sar sare ee TPLF ee ku lugta lahaa qalalaasaha.

Madaxa howlgelinta Ciidanka Itoobiya Brig. General Tesfaye Aylwe ayaa warbaahinta u sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada lagu soo qab qabtay xubno dhowr ah oo muhiim u ahaa TPLF, waxaana ka mid ah dadka la qabtay Madaxweynihii hore ee deegaanka Tigray Abay Woldu, Dr. Abraham Takese oo sidoo kale ahaa Madaxweyne kuxigeenkii hore.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay guulweyn ka gaartay soo afjarida dagaalkan wixii hadda ka danbeeyana uu sii socon doono howlgalka lagu qabqabanayo saraakiishii xudunta u ahaa.

Dadka ay dowladda Itoobiya sheegtay in gacanta lagu dhiggay ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah Getachew Tafara oo ahaa madaxii xafiiska madaxweynaha ee Amniga deegaannada Tigrayga.

Magaalada Mekella ee xarunta u ah gobolkan ayey dhawaan ciidamadu la wareegeen hase ahaatee waxaa ka jira halkaa xaalado iyo daruufo dhinaca nolasha ah oo soo food saartay dadka rayidka ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12777 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: