Wararka

Isimada Puntland ayaa baaq kasoo saaray khilaafka siyaasadeed ee ka taagan arrimaha doorashada…


Isimada Puntland ayaa baaq kasoo saaray khilaafka siyaasadeed ee ka taagan arrimaha muragaysan ee doorashada Soomaliya, kadib markii ay Garowe kulan kula yeesheen madaxweynaha Puntland, Siciid Deni.

Isimada ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federalka, dowlad goboleedyada iyo sidoo kale murashixiinta in ay u turaan shacabka Soomaaliyeed ee kasoo daalay dhibaatada iyo khilaafka soo noqnoqday.

Waxay Isimada oo Garowe iskugu yimid ay talo kusoo jeediyeen in la muujiyo isku tanaasul islamarkaana waxay ka digeen in xukunka xoog lagu raadiyo dalkana dib loo celiyo. Waxay si gaar ah Puntland ugu baaqeen in aysan marnaba doorashada ka baaqsan.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo hoggaaminayay Isimada la kulmay madaxweyne Deni, ayaa sheegay in ay madaxweynaha kala hadleen in khilaafka la dhameeyo, xal guudna la isku yimaado.

“Waxaan Muqdisho kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu iga ballanqaaday inuu diyaar u yahay sidii ay u qabsoomi lahayd doorasho lagu kalsoon yahay. Waxaan kaloo la kulmay madaxweyne Deni iyo madaxweyne Axmed Madoobe, waxay ii ballanqaadeen in ay diyaar u yihiin in xal laga gaaro khilaafka doorashada,” ayuu yiri boqor Burhaan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12914 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: