Wararka

Madaxda Dowlad Goboleedyada qaar iyo Midowga Murashaxiinta ayaa kulan ku dhex maray…


Faah faahino ayaa laga helaya kulan xalay Magaalada Muqdisho ku dhex maray Madaxda Dowlad Goboleedyada qaarkood iyo Golaha Midowga Musharaxiinta.

Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa Hotel Decale oo ku dhow Garoonka Aadan Cadde kulan dhawr saacadood qaatay kula yeeshay Midowga Musharaxiinta.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka looga hadlay khilaafka cusub ee ku soo kordhay doorashooyinka dalka, ka dib markii Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu Sabtidii sheegay in la guda gelaayo hirgelinta doorashooyinka, xilli ay ka maqan yihiin Maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa Midowga Musharaxiinta ka dalbaday in ay soo gudbiyaan magacyada xubnaha ka midka ah Guddiga Doorashooyinka ee ay ka cabanayaan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada ay Midowga Musharaxiinta u sheegeen in ay ka shaqayn doonaan xalinta cabashadooda, ka hor inta aanay Dowladda Federaalka guda gelin hirgelinta doorashooyinka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dhinacyadaasi ay dhex martay dood adag, oo ka dhalatay Doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi iyo arrinta Gobolka Gedo. Midowga Musharaxiinta waxay dalbadeen in Doorashada Xildhibaanada Somaliland ka imaanaya looga dambeeyo Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo in Ciidamada Dowladda laga soo saaro Gobolka Gedo, dibna gobolkaasi loogu wareejiyo Maamulka Jubbaland.

Madaxda Dowladda Goboleedyada ayaa la sheegaya in Midowga Musharaxiinta ugu baaqeen in Jubbaland iyo Puntland soo gudbiyaan Guddiyada Doorashooyinka iyo Xalinta Khilaafaadka, ee ku metelaya Doorashooyinka Qaranka, wixii kalena ay xalin doonto Dowladda Federaalka.

Arrinta doodda adag ka dhex dhalisay dhinacyadan ayaa lagu sheegay Guddiga Doorashooyinka ee Gobolada Waqooyi iyo tan Gobolka Gedo, oo aad mooddo in Dowladda Federaalka ay dooneyso in iyada looga dambeeyo.

Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa geba-gabadii kulanka ka sheegay in uu si gaar ahi isugu dayi doono xal u helidda arrimahaan cakiran.

Kulankan ayaa ku soo aadaya, xilli Musharax Daahir Maxamuud Geelle uu Axadii shalay sheegay in aanay soo gudbin doonin magacyada Xubnaha Guddiga Doorashooyinka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13838 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
<span>%d</span> bloggers like this: