Mareykanka ayaa wada qorshe loogu sifeynayo Xuutiyiinta urur argagixiso oo shisheeye…
Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in waaxdiisa ay ku wargelin doonto Congress-ka inay ku sifeyn doonto kooxda Xuutiyiinta Yemen urur argagixiso shisheeye.
Wuxuu intaa ku daray, bayaan uu soo saaray fiidnimadii Axadii, inuu sidoo kale ka shaqeyn doono in lagu daro 3 ka mid ah hogaamiyaasha kooxda, oo kala ah Abdul-Malik Al-Houthi, Abdul-Khaleq Badr Al-Din Al-Houthi, iyo Abdullah Yahya Al-Hakim liiska argagixisada caalamiga.
Pompeo wuxuu cadeeyay in ku darida liiska argagixisada kooxda “Ansar Allah” (Xuutiyiinta) looga golleeyahay in “lagula xisaabtamo falalkooda argagaxiso, oo ay kujiraan weerarada xuduudaha ka talaaba oo lagu waxyeeleynayo shacabka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo maraakiibta ganacsiga, iyo xasilooni darada joogtada ah ee kajirta gobolka, iyo u diidida dadka Yamaniyiinta inay xal nabadeed u helaan dagaalada Dalkooda. “
Xoghayaha Mareykanka wuxuu qirey in talaabadani ay saameyn ku yeelan doonto xaalada bini’aadanimo ee Yemen, wuxuuna sheegay inuu jiro qorshe lagu hirgalinayo talaabooyin lagu yareynayo saameynta ku daristooda liiska argagixisada ay ku leedahay qaar ka mid ah howlaha samafalka iyo wax soo dejinta
Diblomaasiyiinta iyo kooxaha gargaarka waxay ka baqayaan in go’aankan oo ku soo beegmaya 10 maalmood uun ka hor dhammaadka muddada Trump ay carqaladeyn doonto dadaallada lagula dagaallamayo dhibaatada bani’aadamnimo ee ugu weyn adduunka.
Kormeerayaasha ayaa sidoo kale rumeysan in go’aankan uu halis galin karo wadahadalka nabadeed ee ay hogaamineyso Qaramada Midoobay, halka maamulka madaxweynaha la doortay Joe Biden uu isku diyaarinayo inuu la wareego kursiga.
Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com
U dhaaf Halcelis