Wararka

Baasaboorka Soomaaliga ayaa sanadkan galay kaalinta 106aad, isagoo ka horeeya dalal badan…


Baasaboorrada dadka adduunka qaarkood waxay u yihiin shey muhiim u ah oo loo baahan yahay in mar walba uu diyaar kuu ahaado, halka dad kalena ay u arkaan caqabad hor taagan socdaalka.

Bogga wax ka qora arrimaha socdaalka caalamka ee Henley Passport Index oo ay aqoonsan tahay hay’adda maamusha duulimaadyada caalamak ee IATA, ayaa sanad walba soo saarta liis muujinaya baasaboorrada adduunka iyo sida ay ugu kala horreeyaan fududaanta safarrada.

Baasaboorka waddanka Japan ayaa mar kale sanadkan 2021-ka kaalinta koowaad ka galay liiska baasaboorrada ugu awooda badan caalamka, marka la eego inta waddan ee lagu aadi karo dal ku gal la’aanta ama dal ku galka lagu qaato garoomada diyaaradaha ee dalalka loo safro.

Tobanka baasaboor ee ugu horreeya liiska 2021-ka
Japan (191)
Singapore (190)
Kuuriyada Koonfureed, Jamalka (189)
Talyaaniga, Finland, Spain, Luxembourg (188)
Denmark, Austria (187)
Sweden, Faransiika, Portugal, Netherlands, Ireland, (186)
Switzerland, Mareykanka, Ingiriiska, Norway, Belgium, New Zealand (185)
Giriigga, Malta, Czech Republic, Australia (184)
Canada (183)
Hungary (182)

Baasaboorka soomaaliga ayaa sanadkan galay kaalinta 106, waxaana ka hooseeya qiimo ahaan dalalka hoos ku xusan.

Shanta baasaboor ee ugu qiimaha xun:

Yemen

Pakistan

Syria

Iraq

Afghanistan

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12859 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: