Jaamacadda Jamhuuriya ayaa waxaa ka qalin jebiyey 330 arday oo loo sameeyey xaflad qalin…
Waxaa maanta hoolka Sahal ee magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflad ay ku qalin jabinayeen arday dhameysatay waxbarashada heerka koowaad ee Jaamacadda kuwaasi oo dhameysteen kuliyadaha kale duwan ee Jaamacadda waana 330-arday oo muddo jaamacada dhiganayeen ayay maanta soo gaba gabeeyeen.
Kuliyadaha ay ka qalin jabiyeen ayaa waxaa ay kale ahaayeen;
FACULTY OF COMPUTER & IT, FACULTY OF ENGINEERING, FACULTY OF ECONOMICS & MANAGEMENT, FACULTY OF MEDICINE & HEALTH SCIENCE.
Dufcadan oo ah dufcadii 5aad ee Jaamacadda ka aflaxda ayaa waxaa kasoo qayb galay madax ka tirsan Wasaarada Waxbarashada iyo hogaanka sare ee Jaamacadda kuwaasi oo ardayda dardaaran wanaagsan siiyeen in ay horay usii wadaan waxbarahadooda.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare, Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamud Jaabiri oo ka hadlay xaflada qalin jabinta ayaa ugu baaqay ardayda maanta qalin jabisay in aysan shahaadadooda guryahooda la fariisan oo ay ka mira dhaliyaan aqoontii iyo qarashkii ay mudadda bixinayeen si mustaqbalka u anfacaan dalkooda iyo dadkooda.
“Aniga ahaan waxaan idin kula dar daarmayaa ka waalid ahaan in aadan guryihiina fariisanina oo aad ku shaqeysaan, waayo dalkan shaqo ayaa ka banaan, cid walboo wax barataa waxaa ay anfacaysaa dalkan, waalid ayaa waqti iyo qarash idinku bixiyay waa inaad u abaal gudaan waayo waa la idin fiirsanayaa dalkiina ayaana kow ka ah”
Amina Mahad Suleiman oo ku hadlaysay magaca ardayda ka qalin jabineysay maanta jaamacadda Jamhuuriya ayaa aad u amaantay macalimiintii waqtiga galiyay waxayna sheegtay in ay ku dadaali doonaan in ay sii wataan waxbarashadooda oo aysan meesha ugu harin.
Ugu dambayn Gudoomiyaha Jaamacadda Jamhuuriya Eng. Mohamed Ahmed Mohamud ayaa soo gaba gabeeyay xaflada waxaana uu aad u amaanay dufcadan maanta qalin jabisay waxaana uu kula dardaarmay kuwa kale ee soo socdaa in ay ku daydan kuwa maanta qalin jabiyay waxaana uu balan qaad u sameeyay ardayda.
Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com
U dhaaf Halcelis