Wararka

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa inuu noqdo maamulkii ugu horeeyay ee bilaaba…


Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa goordhow u ambabaxay Baydhabo, kadib todobaadyo uu ku sugnaa Muqdisho.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Maamulka Koonfur Galbeed uu noqonayo maamulkii u horreeyay ee bilaaba doorashada Aqalka Sare, sababta safarka Madaxweyne Lafta Gareen qeyb ka tahay bilaabida doorashada.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa qaatay door dhex dhexaadin ah, kadib markii uu habeen hore la kulmay Midowga Musharaxiinta, si loo xalliyo tabashooyinka jira,

Ilo ku dhow dhow Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegaya inuu xiriiro la sameeyay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, waxaana dad uu la hadlay laga soo xigtay inuu yiri in meel wanaagsan u marayaan dadaalada uu wado.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dadaal ugu jira sidii saddexda maamul goboleed ay uga dhici laheyd doorashada Aqalka Sare, waxaana la ogeyn saameynta ay keeni karto, haddi doorasho ka dhacdo saddexda dowlad goboleed, iyadoo ay maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12907 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: