Wararka

Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa lagu wadaa in ay ka doodaan xil ka qaadista Trump…


Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa lagu wadaa in Arbacada maanta ah ay ka doodaan xil-kaqaadista madaxweyne Donald Trump.

Xubnaha Aqalka Wakiillada oo ay aqlabiyaddiisu leeyihiin Dimoqraadiyiinta ayaa xil-kaxayuubinta Donald Trump u adeegsan doona qodobka ‘Hurin Rabshado’ kadib markii Arbacadi hore ay taageerayaashiisa xoog ku galeen xarunta Kongareeska.

Rabshado ka dhashay ficilkaas ayaa waxaa ku dhinty shan qof oo uu ku jiray askari ka tirsanaa ciidanka ilaalada xarunta Konagreeska ee Capitol Hill ee magaalada Washington D.C.

Dhanka kale, saddex mudane oo Jamhuuri ah oo ka tirsan Aqalka Wakiillada ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqay in ay taageersan yihiin in madaxweynaha Jamhuriga ah xilka laga qaado.

Mudanayaashan ayaa waxaa ugu caansan, haweeneyda la yiraahdo Liz Cheney oo laga soo doorto gobolka Wyoming. Liz ayaa ah qofka saddexaad ee ugu darajada sareeya xildhibaannada Jamhuuriga u matala Aqalka Wakiillada.

Labada kale ayaa kala ah John Katko oo laga soo doorti New York iyo iyo Adam Kinzinger oo ah mudane laga soo doorto gobolka Illinois.

Mar uu shalay la hadlay wariyaasha, waxyar ka hor inta uusan u safrin gobolka Texas, gaar ahaan dhinaca xadka Mexico si uu u booqdo darbiga halkaasi laga dhisayo, ayuu madaxweyne Trump diiday inuu qaato masuuliyadda wixi ka dhacay Aqalka Kongareeska.

Trump ayaa haddii xilka laga qaado uu noqon doonaa, madaxweynihi ugu horreeyay taariikhda Mareykanka oo laba jeer xil-ka-xayuubin lagu sameeyo.

Shabakada wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12777 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: