Wararka

Manchester United ayaa keli ku noqotay hogaaminta horyaalka Ingriiska ee Premier League…


Manchester United ayaa keli ku noqotay hogaaminta horyaalka Ingriiska ee Premier League kadib markii ay 1-0 ku garaaceen kooxda Burnley talaadadii kulan ka tirsanaa wareega 18-aad ee tartanka, halka Everton 2-1 ka garaacday Wolverhampton, iyadoo Sheffield United oo 1-0 kaga badisay Newcastle.

Manchester United ayaa ugu mahad celineysa Paul Pogba oo dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta daqiiqadii 71aad.

Manchester United ayaa kor u qaadday dhibcaheeda oo ay ka dhigtay 36 dhibcood oo ay ku hogaaminayaan kala saraynta, 3 dhibcood oo ay ka sareeyaan Liverpool, halka Burnley ay dhibcaheeda ku joogsadeen 16 dhibcood oo ku jirta kaalinta 16aad.

Ciyaartii labaad, Everton ayaa guul dirqi ah ka soo heshay kooxda Wolverhampton, waxaana goolka koowaad u dhaliyay Alex Iwobi daqiiqadii lixaad, Wolverhampton ayaa heshay goolka barbaraha oo u dhaliyey Robin Neves daqiiqadii 14-aad, halka Michael Kean uu goolka labaad u dhaliyay Everton daqiiqadii 77-aad.

Everton ayaa kor u qaadday dhibcaheeda oo ay ka dhigtay 32 dhibcood oo ku jirta kaalinta afaraad, Wolverhampton ayaa ku joogsaday dhibcaheeda 22 dhibcood oo ku jirta kaalinta 14aad.

Ciyaartii seddexaad, Sheffield United ayaa heshay guusheedii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka iyagoo 1-0 kaga badiyay Newcastle.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12840 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: