Wararka

Mareykanka ayaa markii ugu horeysay muddo ku dhow 70 sano lagu fuliyay xukun dil…


Dowlada Maraykanka ayaa markii ugu horeysay xukun dil ku ah fulisay qof dumar ah muddo ku dhow toddobaatan sano, Xilli uu khilaaf xoog leh ka dhex jiro xil wareejinta Madaxtinimada dalka Maraykanka.

Lisa Montgomery oo ahayd 52 sano jir ayaa lagu duray irbad ay ku jirto maadada pentobarbital oo awood leh xabsi ku yaal Terre Haute, Indiana.

Haweeyneydan ayaa noqotay qofkii 11aad ee xukun dil ah lagu fuliyo tan iyo markii uu ku dhowaaqay Madaxweynaha xilka ka sii degeya Trump bishii July ee sanadakan dib u soo celinta xukunka dilka ah muddo 17 sano kadib.

Montgomery ayaa lagu helay dambi ah inay dishay haweeney la oran jirey Bobbie Jo Stinnett kadibna uurka soo dooxday ilmo siddeed bilood caloosha ugu jirey sanadkii 2004.

Dadaalo lagu doonayay in lagu baajiyo xukunkan ayaa suurtogeli waayay iyadoo qareenada daafacayay Lisa ay sheegeen in dhimirkeeda uusan dhameyn.

Haweeyneydii ugu dambeysay ee xukun dil ah lagu fuliyo dalka Maraykanka ayaa waxa ay ahayd Bonnie Brown Heady oo la diley 18ka December 1953, kadib markii lagu helay dambi ah dilka iyo afduubka wiil lix sano jir ahaa xilligaas.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12840 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: