Wararka

Booliska Kenya ayaa bilaabay baadi goobka rag weeraray bas marayay aaga degmada Wajeer…


Booliska dalka Kenya ayaa bilaabay baadi goobka lix ka tirsan dagaalyahanadda Al-Shabaab oo Arbacadii weerarray gaar Bas ah oo marayay aaga degmada Wajeer oo u dhaw xadka Soomaaliya.

Booliska ayaa sheegay in dagaalyahanadda oo ku hubeysnaa qoryaha AK-47 ay joojiyeen Al Mukaram Bas oo ku sii jeeday Nairobi kana yimid magaalada Mandheera, iyaga oo ka qaatay kirishbooygii la socday Baska lacag ah 40,000 oo shilin oo u dhiganta (364 U.S. dollars).

”Waxaa ay ku rideen hal xabo waxaa ayna ku amreen dhamaan rakaabkii saarnaa in ay Baska ka degaan, waxaa ay kala sooceen Rag iyo Dumar iyagoo waydiinaya in ay Baska la socdaan dad aan deegaanka ahayn iyo waliba dad shaqaalaha dowladda ka tirsan, “ayay booliisku ku sheegeen warbixin ay soo saareen.

Sida laga soo xigtay Booliska kooxda weerarka ku qaaday Baska waxay qaateen xoogaa cunno ah oo saarnaa waxaa ay uga diggeen waddaha gaariga in uu ku qaado dadka aan deegaanka ahayn.

Booliska ayaa sheegay in markii danbe sii daayeen Baska iyo dadkii saarnaa si ay safarkooda u sii wataan.

Dhowr jeer oo hore sidan oo kale waxaa ay Al-Shabaab u weerareen gawaarida u kala goosha Nairobi iyo gobolka Waqooyi Bari Kenya oo ay ku dileen tiro dad ah iyaga oo dadka u kala saaraya muslim iyo Kirishtan.

Saraakiisha Booliiska ayaa sheegay in ay waddaan baaritaan la xiriira Lixda Ruux ee weerarkii ugu danbeeyay geystay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12840 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: