Wararka

Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa weerar dhinaca cirka ah ka fuliyey Buulo Fulaay…


Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa Arbacadii weerar dhinaca cirka ah ka fuliyay deegaanka Buulo Fulaay, oo ka tirsan gobolka Bay.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa war ay xalay soo sheegeen ku sheegay in duqaynta lagu ekeeyay xarun ay Shabaabku ku lahaayeen aagga Buulo Fulaay.

Taliska AFRICOM ayaa sheegay in duqayntaasi lagu dilay mid ka mida maleeshiyada Al Shabaab, sidoo kalena lagu burburiyay dhismihii uu bartilmaameedku ahaa.

Mareykanka ayaa toddobaadyadii ugu dambeysay kordhiyay duqaymaha ay ka gaysanayaan Gobolada Koonfurta Somalia, gaar ahaan deegaanada ay maamulaan Ururka Al Shabaab.

Duqayntan ugu dambeysay waxay ku soo aadaysaa, xilli Wasiirka Gaashaandhigga Somalia, Xasan Xuseen Xaaji uu Talaadadii Saraakiisha Mareykanka ee dalka ku sugan ugu yeeray in la dardargeliyo hawlgalada ka dhanka ah Al Shabaab.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12820 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: