Wararka

Jadwalkii labaad ee doorasho oo ay soo saareen guddiga doorashada ayaa dib u dhac ku…


Waxaa markii labaad dib u dhac ku yimid jadwalkii doorasho oo ay soo saareen Guddiga doorashada heer Federaal, kuwaasoo ahaa doorashada tartanka kuraasta Aqalka Sare.

Guddiga lagu muransan yahay ayaa horay waxay u soo saareen jadwal doorasho 23-kii bishii December 2020, waxaana jadwalkaas uu dhigayay in Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ay soo saaraan 29 December Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare, isla markaana 31 December 2020 illaa 6 Janaayo 2021 ay ku dhacdo doorashada Aqalka Sare.

Intaas kadib waxaa uu Guddiga soo saaray jadwal labaad taariikhda marka ay aheyd 29 December, waxaana uu markaas uu sabab uga dhigay is bedelka ku yimid jadwalka codsi uga yimid Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug oo ka dalbaday in waqti la siiyo muddo dib loo dhigo.

Waxaa uu Guddiga qaatay codsiga, isagoo soo saaray jadwal labaad, kaasoo dhigayay in doorashada Aqalka Sare ay dhacdo 7-14 Janaayo 2021, iyadoo maanta ay ku egtahay.

Illaa iyo hadda ma dhaqan gelin jadwalka iyo habraacyadii uu guddigan soo saaray, waana jadwalkii labaad oo fashilma, sababo la xiriira is mari waaga ka taagan Hirgelinta hannaanka doorashada oo ay isku hayaan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland.

Si kastaba ha ahaatee Xukuumadda Federaalka ayaa dhowaan shaacisay in doorashada la guda galayo, kadib shir ay isugu yimaadeen Madaxda dowladda Federaalka iyo saddexda dowlad goboleed ee siyaasad ahaan u janjeera dowladda Federaalka, sida Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12840 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: