Wararka

Muwaadiniinta Sacuudiga ayaa looga digay in ay u safraan dalal uu ka mid yahay Somalia…


Sacuudi Carabiya ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay ogolaansho la’aan u safraan 12 dal oo uu saameeyay coronavirus.

Xogta ayaa sheegeysa in wadamadaasi ay kala yihiin Libya, Syria, Lebanon, Yemen, Iran, Turkey, Afghanistan, Armenia, Somalia, Congo, Venezuela, iyo Belarus.

Warku wuxuu intaa ku daray in go’aanka loo qaatay sababo la xiriira xasillooni la’aan ka jirta waddamadaas iyo ka feejignaanta soo ifbaxa nooca cusub ee fayraska Covid19.

Go’aankaan ayaa kusoo aadaya kadib markii Sacuudi Carabiya uu helay toban kiis oo ah nooca cusub ee coronavirus, Afhayeenka Rasmiga ah ee Wasaaradda Caafimaadka ee Saudi Arabia ayaa sheegay Khamiistii hore.

Wasaaradda Caafimaadka ee Sacuudi Carabiya ayaa intaa ku dartay in dhammaan kiisaska la helay dadka qaba la go’doomiyey.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13838 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
<span>%d</span> bloggers like this: