Wararka

Swan ayaa muujiyey inuu tixgelin u hayo dadaallada Laftagareen ee ku aadan doorashooyinka…


Wakiilka gaarka ah ee Qarramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay kulan uu la yeeshay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

James Swan waxaa uu muujiyey tixgelinta uu u hayo dadaallada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen ee ku aaddan doorashooyinka dalka, waxa uuna carrabka ku adkeeyey wakiilku baahida loo qabo dareen is-afgarad iyo wada-shaqeyn si horay loogu sii socdo.

Socdaalka James Swan ayaa qeyb ka ah dadaallada beesha caalamka ee la xiriira sidii leysugu soo dhaweyn lahaa dhinacyada ku kala durugsan hannaanka loo wajahayo doorashada dalka oo muuqata si weyn loogu kala fog yahay.

Doorashadan waxaa ka biyo diiday oo wali ka maqan dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland oo tirsanaya in wali dowladda ka biyo diidan tahay wax ka qabashada doorashada ka hor arrimaha leysku hayo.

Shabakada Wararka, hagaag.com Info@hagaag.com

About Admin (12777 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: