Wararka

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mesfin ayaa la sheegay in lagu dilay…


Dowladda Itoobiya ayaa xaqiijisay in hawlgal militari lagu dilay afar xubnood, oo uu ka mid yahay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ee dalkaasi, Seyoum Mesfin.

Xubnahan ayaa ka tirsanaa Xisbiga Tigreyga Itoobiya ee TPLF, dilkooduna waxaa uu ka dambeeyay, ka dib markii ay iska diideen in ay Ciidamada Militariga isu soo dhiibaan.

Xubnaha kale ee hawlgalka lagu dilay waxaa ka mid ah nin magaciisa lagu sheegay Abey Tsehaye, oo ka mid ahaa Saraakiisha sar sare ee TPLF.

Seyoum Mesfin ayaa muddo dheer Wasiirka Arrimaha Dibadda ka ahaa Xukuumaddii Meles Zenawi, waana mid ka mida shakhsiyaadka sida weyn looga garanayo dalkaasi.

Mesfin ayaa si weyn looga arki jiray shaashadaha, xilligii Ciidamada Militariga Itoobiya ay gudaha u soo galeen Magaalada Muqdisho, daba-yaaqadii bishii December ee sanadkii 2006. Waana xilliga ay sida weyn magaciisa iyo muuqiisaba ay u barteen shacabka Soomaaliyeed.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa Sabtidii sheegtay in Gobolka Tigreyga lagu qabtay sagaal xubnood, oo uu ka mid yahay Sebhat Nega. Ninkan ayaa ka mid ah Saraakiishii lafdhabarta u ahayd Ururkii TPLF, ee afgembiga dalkaasi kula wareegay, sanadkii 1991-kii.

Dowladda Itoobiya ayaa bishii November weerartay Gobolka Tigreyga, iyadoo maalmo ka dibna hoggaamiye-yaashii TPLF u soo bandhigtay in ay isa soo dhiibaan, walow ay taasi ku gacan-seyreen.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12810 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: