Wararka

Whatsapp ayaa dib u dhigtay qorshihii ay isbedelka ugu sameyn laheyd arrimaha Privacy-ga…


WhatsApp oo ka tirsan shirkadda Facebook ayaa dib u dhigtay soo bandhigida astaamo ganacsi oo cusub, Kadib markii ay la kulmeen jawaab adag dhaqamada wadaagga xogta isticmaalaha.

Dib udhaca ayaa calaamad u ah burbur ku yimid qorshaha WhatsApp ee kor u qaadista dakhliga iyadoo la fududeynayo isdhaafsiga ganacsiga ee barnaamijka fariimaha, oo ka gaabiyay inuu dakhli soo saaro.

WhatsApp ayaa Jimcihii sheegtay in isticmaaleyaashu aysan mar dambe dib u eegi doonin oo aqbali doonin shuruudaha cusbooneysiinta ee App-ka ugu dambeyn Febraayo 8da, ma la hakin doono xisaabtooda ama lama tirtiri doono waqtigaasi ee 8 february.

Dadka u ololeeya arrimaha gaarka ah ama khusuusiyaadka ayaa dhaleeceeyay isbeddelada WhatsApp, iyaga oo sabab uga dhigaya rikoorka xun ee Facebook uu ka haysto maamulida xogtooda, maaddaama isticmaaleyaal badan ay soo jeediyeen in loo guuro App-ab kale.

WhatsApp ayaa sheegtay in cusbooneysiinta la qorsheeyay aysan saameyn ku yeelan doonin wadahadalka shaqsiyadeed, kaasi oo sidiisa hore sir u ahaan doono oo ka dhaxeeya labo qofood ama dad badanba, ama la ballaariyo awooddiisa ah inuu xogta la wadaago Facebook.

Shirkadda ayaa tiri, “Cusbooneysiinta waxaa ku jira xulashooyin cusub oo fududeynaya xiriirka shaqsiyeed ee shirkadaha WhatsApp, waxayna taasi siisaa daahfurnaan dheeri ah oo ku saabsan sida xogta loo uruuriyo loona adeegsado.”

WhatsApp ayaa sheegtay inay dejisay taariikh cusub oo howshaasi dhaqan geli doonta oo ku beegan 15-ka May ee soo socota, waxayna si tartiib tartiib ah ula xiriiri doontaa dadka isticmaala App-kooda si ay dib ugu eegaan isbeddelada siyaasadeed.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14096 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: