Wararka

Armin Laschet ayaa ku guuleystay hogaaminta xisbiga CDU ee Jarmalka, wuxuu bedelaya…


Ra’iisul wasaaraha gobolka Jarmalka ee North Rhine-Westphalia Armin Laschet ayaa ku guuleystey hogaaminta xisbiga “Christian Democratic Union”, ka dib markii uu helay 521 codadka ergooyinka xisbiga oo gaaraya 1,001, waxaa ka horeeyey ninka la tartamayey, Friedrich Merz, oo lagu tilmaamo inuu yahay “cadowga Merkel ee jixinjixin”, oo ku guuleystey 466 Codadka wareegii koowaad.

Laschet oo kaalinta labaad galay wareegii koowaad ayaa ka faa’iideystay codadka taageerayaasha musharaxa saddexaad, Norbert Rutgen, oo taageeray qadka dhexdhexaadka ah ee looga adkaaday wareegii koowaad.

Laschet oo 59 jir ah ayaa heysto dhibco xoog badan, waa suxufi qunyar socod ah, laakiin waxaa lagu dhaliilay sida uu u maareeyey cudurka Corona ee ka jira gobolka Renania (North Westphalian), oo ay ku nool yihiin dadka ugu badan Jarmalka.

Hoggaamiyaha cusub ee xisbiga talada haya ee Jarmalka ayaa ka soo jeeda asal ahaan Beljamka oo uu ka soo jeedo qoys ka tirsan Roman Catholic, wuxuuna qaatay shahaadada sharciga wuxuuna u shaqeeyay suxufi ahaan, 1994tii waxaa loo doortay xubin ka tirsan baarlamaanka Jarmalka (Bundestag), 1999kii wuxuu ka mid noqday baarlamaanka Yurub.

Sannadkii 2005-tii wuxuu wasiir ka noqday dowladda gobolka North Rhine, ka dibna wuxuu ka noqday Ra’iisul wasaare gobolkaas tan iyo 2017.

Laschet waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay qof furfuran, wuxuuna caan ku yahay taageerida siyaasada Chancellor Angela Merkel ee ku aadan u furitaanka Jarmalka qaxootiga, xitaa dadka Jarmalka ayaa ugu yeera “Armenia Turki”, oo loola jeedo bulshada Turkiga oo ah tan ugu badan soo galootiga dalka Jarmalka.

Laschet siyaasadiisa gudaha ayuu wuxuu ku caan baxay aragtidiisa xorta ah iyo xiriirka adag ee uu la leeyahay bulshooyinka soo galootiga ah, waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay nin si adag u difaaca siyaasadaha soo galootiga ee ay qaadatay Chancellor Merkel intii lagu jiray dhibaatadii qaxootiga ee 2015.

Laschet ayaa diiday soo jeedinta ah in la mamnuuco xirashada indho shareerka (niqaabka), isaga oo ku tilmaamay “dood been abuur ah” isla markaana laga weecinayo arrimaha ugu muhimsan ee deg dega ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13722 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: