Wararka

Duqen dhinaca cirka ah ayaa la sheegay in lagu burburiyey xarun idaacadeed oo ay lahaayeen…


Wararka ka imanaya gobolka Bakool gaar ahaan degmada Tiyegloow ayaa sheegaya in duqeyn cirka ah oo ay Mareykanku ka fuliyeen lagu burburiyay xarun Idaacadeed oo ay lahaayeen Al-Shabaab.

Taliska howlgalka Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in duqeyntaasi ay ku burburiyeen xarun muhiim ah oo ku lahaayeen gobolka Bakool, laakiin ma aysan sheegin xaruntaasi in ay aheyd mid militari iyo in kale.

Dadka deegaanka ayaase warbaahinta u sheegay in goobta la duqeeyay aheyd xarun Idaacadeed oo ay Al-Shabaab halkaa ku lahaayeen.

Taliska Mareykanku wuxuu sheegay in duqeynta ay ka fuliyeen gobolka Bakool gaar ahaan degmada Tiyeglow aysan jirin cid wax ku noqotay oo rayid ah.

Dhawaan ayey aheyd duqeyn cirka ah oo ay Mareykanku ka fuliyeen deegaanka Buula Fuulaay ku beegsadeen xarun Idaacada Andalus ku laheyd deegaankaas.

Maalmihii ugu danbeeyayba Mareykanka ayaa joogteeyay duqeymaha cirka ah oo ay ku beegsanayaan xarumaha kala duwan ee xoogagga Ururka Al-Shabaab ku leeyihiin gobollada Koonfurta Soomaaliya.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13266 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: