Wararka

Qiimaha lacagta Sudan ayaa hoos u dhacday heer aan horey loo arag markii loo fiiriyo…


Qiimaha lacagta Suudaan ayaa hoos uga dhacday marka loo fiiriyo doolarka maanta oo Talaado ah, heer aan horay loo arag oo ku saabsan ganacsiga suuqa aan rasmiga ahayn ee (barbar socda).

Ganacsatada sarifka ee firfircoon ee suuqa ayaa sheegay in xaalad jahawareer ah ay ka jirtay suuqyada sarifka tan iyo bilowgii macaamilkii todobaadkan.

Qiimaha sarifka halka dollar ee suuqa ayaa gaaray 300 pound Sudani, taasi ayaa ah hoos u dhac aan horay loo arag oo ku yimid lacagta Suudaan, marka la barbardhigo ganacsigii shalay oo ahaa 281 pound Sudani.

Bangiga Dhexe ee Suudaan wuxuu dejiyay qiimaha rasmiga ah ee halka dollarka oo ah 55 pound.

Hoos u dhaca ku yimid lacagta Pound-ka ayaa timid kadib markii dalabka dollarka ee suuqyada maxaliga ah uu kordhay, gaar ahaan ganacsatada keena alaabada aasaasiga ah sida qamadiga iyo shidaalka

Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, dowladda ku-meel-gaarka ah waxay fursado u furtay shirkadaha gaarka loo leeyahay in ay keenaan shidaalka si ay ugu iibiyaan qiimo xor ah gudaha dalka.

Suudaan ayaa waxaa haysta dhibaatooyin daba dheeraaday ee dhinacyada rootiga, burka, shidaalka iyo gaaska cuntada lagu kariyo, waxaa intaasi u dheer hoos u dhaca joogtada ah ee ku yimaada lacagteeda qaranka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13286 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: