Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga Somalia iyo Taliyaha AFRICOM ayaa ku kulmay Mogadishu…


Wasiirka Gaashaandhigga Somalia, Xasan Xuseen Xaaji ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), General Stephen Townsend oo booqasho ku joogga Caasimadda Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga iyo xiriirka militari ee labada dowladood iyo dardargelinta hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay taageerada uu Mareykanku siiyo Ciidamada Somalia, gaar ahaan tababarada iyo dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka.

Wasiirka waxaa kulanka ku wehlinayay xubno uu ka mid yahay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage, halka Taliyaha AFRICOM ay ku wehlinayeen Saraakiil ciidan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14096 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: