Wararka

Axmed Madoobe ayaa Beesha Caalamka kulan kula qaatay habka maqal iyo muuqaalka…


Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa kulan kula qaatay habka maqal iyo muuqaal ah Wakiilada beesha Caalamka u jooga Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland.

Wakiilada beesha caalamka ee madaxweyne Axmed Madoobe uu kulanka la qaatay waxay kala yihiin, Wakiilada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Safiirada dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Sweden Itoobiya iyo Danjirayaal kale.

Ujeedada kulankan ayaa ahaa sidii loo dardar galin lahaa dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo doorashooyinka.

Masuuliyiintu waxay isla soo qaadeen sida ay ahmiyada weyn u leedahay in wada hadal lagu dhameeyo is marin waaga ka taagan Arrimaha Doorashooyinka taas oo ah xalka ugu haboon ee looga gudbi karo waqtigan kala guurka ah.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa horey u sheegay in uusan doorashada ka qeyb gali doonin illaa loo madax bannaaneeyo gobolka Gedo, oo ay dowladda federalku gacanta ku hayso.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13361 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: