Wararka

Joe Biden iyo Kamala Harris ayaa loo kale dhaariyey Madaxweyne iyo M/weyne ku xigeen…


Joe Biden ayaa loo dhaariyey Madaxweynaha 46aad ee Mareykanka maanta oo Arbaco ah, halka Kamala Harris loo dhaariyey Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka.

Kamala Harris ayaa noqoneysa haweeneydii ugu horeysay taariikhda oo ka soo jeeda dadka Madow-Asian ah oo noqota Madaxweyne ku xigeenka dalka Mareykanka.

Madaxweyne Trump kama qeyb galin munaasabada, wuxuu noqonayaa madaxweynihii ugu horeeyey tan iyo 1869 aan ka qeyb galin xaflada dhaarta ee madaxweynaha la doortay.

Waxaa xaflada ka qeyb galay madaxweynayaashii hore Bill Clinton iyo xaaskiisa, George Bush iyo xaaskiisa, iyo Barack Obama iyo xaaskiisa, waxaa sidoo kale ka qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka Trump ee Mike Pence.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13261 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: