Wararka

Taliska AFRICOM ayaa sheegay in duqeyn ay ku dileen hogaamiyayaal ka tirsan al-Shabaab…


War Qoraal ah oo ka soo baxay Taliska howlgalka Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyn cirka ah oo iska kaashadeen ciidamada dowladda Soomaaliya lagu dilay hoggaamiyayaal caan ah oo ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeynta oo ay ka fuliyeen deegaannada kala ah Jammaame iyo Deb Scinnele ayey sheegeen in ay ku dileen hoggaamiyayaal caan ah oo Al-shabaab u qaabilsanaa dhinaca Miinooyinka, tababarada iyo waliba weerarrada, laakiin ma aysan sheegin tirada hoggaamiyayaashan sida ay sheegeen ee lagu dilay duqeynta.

Arrintan ayey ku tilmaameen mid carqalad ku ah awood Al-Shabaab in ay sii joogteeyaan weerarrada ay geysteen, Ma jiro wax war ah oo dhinaca Al-Shabaab ay ka soo saareen duqeyntan Africom ay sheegeen in ay ku dileen hoggaamiyayaasha.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13263 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: