Trump ayaa kala hadlay kaaliyeyaashiisa suurtagalnimada sameynta xisbi cusub oo…

Wargeyska The Wall Street Journal ayaa sheegay in Madaxweynaha xilka ka degaya Donald Trump uu maalmihii ugu dambeeyay kala hadlay kaaliyeyaashiisa suurtagalnimada sameynta xisbi siyaasadeed cusub. Si loo sii wado saameyntiisa ka dib marka uu ka tago Aqalka Cad.
Wargeysku wuxuu ka soo xigtay sheekadan dad aqoon u leh arrintan in Trump uu kala hadlay dhowr kaaliyeyaashiisa ah iyo dad kale oo isaga ku dhow isbuucii hore, isagoo intaa ku daray inuu doonayo inuu u bixiyo xisbiga cusub “Xisbiga Qaranka”, Aqalka Cad ayaa diiday inuu ka hadlo arrinkaasi.
Trump ayaa maalmihii la soo dhaafay la galay xiisad colaadeed hogaamiyayaal badan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, waxaa ka mid ah hogaamiyaha aqlabiyada aqalka Senate-ka Mitch McConnell, oo shalay sheegay in Trump uu mudan yahay eedda ah inuu soo abaabulay rabshadihii dadka badan ku dhinteen ee 6-dii Janaayo ka dhacay Congress-ka.
Wargeysku wuxuu faallo ka bixiyay in aysan caddayn sida ay dhab uga tahay Trump abuurista xisbi cusub, kaas oo u baahan maalgalin badan oo waqti iyo dhaqaale ah, iyadoo isla waqtigaas la xusay in Trump uu aad caan uga yahay codbixiyayaasha xisbiga Jamhuuriga, qaarkoodna aysan si firfircoon uga qaybqaadan howlaha Jamhuuriga ka hor ololihii Trump ee 2016.
The Wall Street Journal ayaa tilmaamtay in isku day kasta oo kani ka horreeyay oo lagu doonayey in xisbi saddexaad laga dhiso Mareykanka uu ku guuldareystay inuu helo taageero ku filan si uu door weyn uga ciyaaro doorashooyinka federaalka.
Waxaase ay u badan tahay isku day kasta oo lagu abuurayo xisbi cusub inuu kala kulmo mucaaradad adag madaxda Jamhuuriga, oo laga yaabo inay ka caroodaan fikirka ah in Trump uu taageerada kala wareego musharixiinta xisbiga Jamhuuriga iyo codbixiyaasha.
Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com