Wararka

Weriyihii caanka ahaa Sami Haddad oo ka mid ahaa jiilkii ugu horeeyey ee Al-Jazeera ayaa dhintay…


Weriyihii caanka ahaa Sami Haddad oo ka mid ahaa wejiyadii ugu caansanaa jiilkii ugu horreeyay ee Al-Jazeera ayaa dhintay ka dib tobanaan sano oo uu wax bixinayay iyo xirfaddiisa hodanka ah ee raadiyaha iyo telefishanka Carabta.

Waxayna ahayd bilowgii waaya-aragnimada Sami Haddad ee Raadiyaha Urdun ka hor inta uusan ku biirin Radio London, wuxuuna gacan ka gaystay soo saarista tv-ga BBC-da Carabiga qaybteedii ugu horreysay 1994.

Wuxuu sidoo kale ka mid ahaa jiilkii ugu horreeyay ey Al-Jazeera, sidoo kale wuxuu ka noqday tifaftirahii guud ee ugu horreeyay, wuxuuna kormeeray tababarka weriyeyaashii ugu horreeyay ee ku soo biira Al-Jazeera.

Wuxuu caan ku ahaa soo saarista iyo soo bandhigida barnaamijka “اكثر من راي”, oo ahaa barnaamij xog wareysi ah oo looga hadlayey arrimaha siyaasadda iyadoo si toos ah loogu soo bandhigi jiray fikrado kala duwan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13261 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: