Wararka

Xero loogu talagalay barakacayaasha ee waqooyiga Suuriya ayaa quustay kadib roob halkaasi…


Tobanaan teendhooyin ah oo ku yaal xero loogu talagalay barakacayaasha ee waqooyiga Suuriya ayaa quusay kadib markii halkaasi uu ka da’ay roob mahiigaan ah.

Taasi ayaa waxay waxyeelo u geysatay xerada, oo ay ku nool yihiin qiyaastii 50 kun oo barakacayaal ah.

Roobka ayaa ka hor istaagay inay si dabiici ah u seexdaan ka dib markii uu ku qasbay inay kormeeraan teendnooyinkooda iyaga oo ka baqaya inay qarqanto hantidooda yar, maaddaama kaabayaasha kaamamkaas ayna ka celin karin roobabka da’a waqtiga qaboobaha, kaasi oo ka dhiga barkad dhoobo iyo biyo ah.

Biyaha roobka ayaa wuxuu aalaaba galaa gudaha teendhooyinka oo uu wax u geysto alaabooyinka yar ee ay heystaan oo ay u isticmaalaan noloshooda sida dharka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13266 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: