Wararka

Farmaajo ayaa laga dalbaday inuu cadeeyo Ciidamadii tababarka loo geeyay dalka Eritrea…


Guddiga Arrimada Dibadda Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qoraal ku saabsan ciidamadii tababarka loo geeyay dalka Eritrea waxaa ay u gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraalka loo diray madaxweynaha ayaa looga dalbaday inuu cadeeyo ciidamada tobabarka loo geeyay dalka Eritrea iyo xiliga ay ku soo laabanayaan dalka, maadama eheladii dhalinyaradaas ay muujinayaan walaac ku aadan xaaladooda caafimaad.

Warka ku saabsan ciidamada Soomaaliyeed ee ka qeybqaatay dagaalkii dhaxmaray ciidanka Difaaca Itoobiya iyo Tigrayga ayaa hadal heyn badan ka dhax abuurtay bulshada Soomaaliyeed, waxaana warka arrintan ku saabsan la oran karaa waa qoddobka ugu weyn ee xiligan saameynta ku leh siyaasada dalka marka laga soo tago doorashada.

Qoraalka ayaa lagu codsaday in guddi xaqiiqo raadin ah loo diro dalka Eritrea si ay u xaqiijiyaan nolosha askartaas, kuwaasi oo ka kooban xubno dowladda federaalka iyo Golaha shacabka.

Qoraalka ayaa imanaya xili sidoo kale midowga musharixiinta ka dalbadeen madaxweyne Farmaajo in uu faah faahin rasmi ah ka bixiyo warka ku saabsan gaarida dhalinyarrada Soomaaliyeed iyo dareenka ay qabaan waalidiin badan oo arintan ka walwalsan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13329 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: