Wararka

Guddoomiyaha degmada Hodan C/xakiin Dhagajuun ayaa xalay lagu dilay magaalada Mogadishu…


Guddoomiyihii degmada Hodan C/xakiin Dhagajuun ayaa xalay lagu dilay magaalada Muqdisho, kaddib rasaas Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ay ku fureen gaarigiisa.

Dilkan ayaa dhacay xalay saqdii dhexe, xilli uu Guddoomiyaha uu marayay agagaarka Jid Mareexaanka ee degmada Howlwadaag.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dilka Guddoomiyaha oo shalay ku soo laabtay Muqdisho, kadib howlo caafimaad ugu maqnaa dalka Turkiga, kadib dhaawac sanadkii hore ka soo gaaray qarax lagula eegtay Muqdisho.

Laamaha amniga ayaa la sheegay inay xireen qaar ka mid ah Ciidamadii rasaaseeyay gaariga uu saarnaa.

Shabakada wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13722 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: