Wararka

Askari lagu eedeeyey inuu qof shacab ahaa ku dilay magaalada Baydhabo ayaa dil lagu…


Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Qaybta 60aad ayaa maanta xukun dil ah ku xukuntay nin askari ah, oo lagu eedeeyay in qof shacab ahaa uu ku dilay Magaalada Baydhabo.

Askariga oo lagu magacaabo dable Cismaan Ibraahim Cabdi ayaa ka tirsanaa Ciidamada Booliska ee ka hawlgala Xarunta Gobolka Bay ee Magaalada Baydhabo, waxaana lagu soo oogay in qof rayid ah uu ku dilay Suuqa Sariiraha ee xaafadda Berdaale ee Magaalada Baydhabo.

G/sare Aadan Abuukar Maxamed, Gudoomiye Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Qaybta 60aad ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu riday askarigaasi.

Gudoomiyaha Maxkamadda ayaa sheegay in dable Cismaan Ibraahim Cabdi oo 22 jir ah uu 11-kii bishan dilay marxuum lagu magacaabi jiray Axmed M/nuur Mursal oo 33 jir ahaa, kaasoo u geeriyooday hal xabo uu feeraha kaga dhuftay.

Gudoomiyaha ayaa tibaaxay in xukunka lagu riday askarigan uu yahay qisaasta marxuumkii uu ku dilay Magaalada Baydhabo.

Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Bay, Korneyl Amiin Maxamed Daruur oo ka barbar hadlayay Gudoomiyaha Maxkamadda ayaa Ciidamada Booliska ee Koonfur Galbeed faray in ay hubkooda ka adkaadaan, oo aynaan ku dhibaateen shacabka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13261 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: