Wararka

Shirweyne lagu qiimeynayo khataraha lacag dhaqidda ayaa ka furmay magaalada Mogadishu…


Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ka furmay Shirweynaha Qaran ee Wadatashiga Qiimeynta Khataraha Lacag-dhaqidda & Maaligilinta Argagixisada ee Somalia.

Shirweynaha ayaa waxaa daahfuray Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo xubno kale.

Shirweynaha ayaa lagu soo bandhigay warbixin cilmi-baariseed oo dhaqaalaha dalka ay ka soo diyaarisay Xarunta NRA, sida uu sheegay Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka.

“Warbixintan ay soo diyaarisay Xarunta NRA waxa ay diiradda saartay guud ahaan dhaqaalaha dalka, gaar ahaan ka hortagga Lacag-dhaqidda & La-dagaalanka Maalgelinta Argagixisada.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo shirweynaha ka hadlay ayaa faah faahiyay muhiimadda uu qaranka u leeyahay Wadatashiga Qiimeynta Khataraha Lacag-dhaqidda & Maalgelinta Argagixisada.

Wasiir Beyle ayaa Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka iyo xubnihii kale ee shirweynaha ka qaybgalay uga mahadceliyay ka soo qaybgalkooda.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13261 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: