Wararka

Xoogagga al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday deegaanka Raage Ceelle ee gobolka…


Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in xoogagga Ururka Al-Shabaab subaxniamadii hore ee saakay weerar culus ku qaadeen deegaanka Raage Ceelle.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaal culus oo ka dhacay deegaanka kadib looga itaal roonaaday ciidamada dowladda federaalka taasoo keentay in Al-shabaab ay la wareegaan deegaanka.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa baraha bulshada ku sheegay in ay gacanta ku dhigeen deegaanka Raage Ceelle oo horay ay sugnaayeen ciidanka dowladda Soomaaliya.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka dhinaca kalana ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Shabeellaha dhexe oo la xiriira dagaalka ka dhacay Raage Ceelle.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13838 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
<span>%d</span> bloggers like this: