Wararka

Deni ayaa xafiiskiisa ku qaabilay qunsulka cusub ee Itoobiya u soo magacowday Puntland…


Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa xafiiskiisa ku qaabilay qunsulka cusub ee dowlada Ethiopia u soo magacowday Puntland Degnachew Yitbarek.

Madaxtooyada Puntland ayaa laga soo saaray qoraal ku saabsan kulanka maanta uu la yeeshay Madaxweyne Deni qunsulka cusub ee Ethiopia.

“Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada Garowe ku qaabilay Qunsulka cusub ee Ethiopia ee Puntland Mr Degnachew Yitbarek” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyadda Puntland.

Qunsulka cusub oo haysta waaya-aragnimo dhanka diblumaasiyadda iyo xiriirka Soomaalida ah ayaa bedelaya Mabratu Waldo Aragay kaasoo xilkaas hayay tan iyo sanadkii 2019-kii.

Puntland ayaa sheegtay in ay Itoobiya la leedahay xiriir dhanka ammaanka, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, dib-u-dhiska hay’addaha dowladda iyo ganacsiga.

Shirkadda Duulimaadyadda caalamiga ah ee Ethiopian Airlines ayaa duulimaadyo toos ah waxa ay ku timaadaa degaanadda maamulka Puntland gaar ahaan garoomada degmooyinka Garowe iyo Boosaaso, waana magoolooyinka kaliya ee ay duulimaad ka samayso marka laga soo tago Muqdisho iyo Hargaysa.

Inkastoo Dowladda Faderaalka Itoobiya ay xiriir wanaagsan la leedahay dowladda uu hoggaamiye Madaxxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, safiirna u joogo magaalo madaxda wadanka ee Muqdisho, hadana qunsulo ayaa u jooga Hargaysa iyo Garowe.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13266 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: