Wararka

James Swan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee maamulka…


Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

James Swan iyo wafdiga la socday ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo xubno kale.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Xarunta Madaxtooyada Dhuusamareeb ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan.

Kulan ayaa labada dhinac waxaa uga socda madaxtooyada iyadoo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Arrimaha doorashada dhacaya 2021 oo weli muranka uu ka taagan yahay iyo sidii xal loogu heli lahaa khilaafka ka jira.

Kulanka ayaa sidoo kale loogaga hadlayaa xaaladda deegaanada Galmudug sida amniga iyo taageerada Qaramada Midoobay ay siineyso Galmudug sanadkan 2021, taas oo isugu jirta mid siyaasadeed iyo mid horumarineed.

Beesha Caalamka ayaa dadaal ugu jirta in xal laga gaaro is mari waaga doorashada, iyadoo cadaadis ku saareysa dhinacyada kala duwan inay wada hadal yeeshaan, waxaana xusid mudan in dadaalada uu qeyb ka yahay Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13840 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
<span>%d</span> bloggers like this: