Wararka

Dowladda Somalia ayaa cambaareysay weerar maleeshiyaad ay soo hubeysay Kenya ku…


Ciidamada Kenya ayaa xilligan madaafiic xoogan ku garaacaya Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, ka dib markii uu fashilmay weerar ay degmadaasi ku qaadeen maleeshiyaad uu horkacayay Korneyl Cabaas Ibraahim Gurey.

Maleeshiyadan oo taabacsan Maamulka Jubbaland ayaa muddooyinkii ugu dambeysay ku sugnaa xuduudda labada dal, gaar ahaan dhinaca Kenya.

Wararka ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay madaafiicda ka ridayaan xuduudda Mandhera, iyadoona ay ku hoobanayaan Beled Xaawo iyo nawaaxigeeda.

Ciidamada Dowladda Somalia ee ku sugan Degmada Beled Xaawo ayaan weli wax falcelin ah ka bixin madaafiicda la soo sheegayo in ay ku socoto degmadaasi.

Dowladda Somalia ayaa cambaareysay weerar ay sheegtay in Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ku soo qaadeen maleeshiyaad ay soo hubeysay Dowladda Kenya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in jabhadaasi oo ka timid dhanka Kenya ay xalay weerartay Degmada Beled Xaawo.

Warsaxaafeedka ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay jilbaha u dhigteen weerarkaasi, isla-markaana ay fashiliyeen duulaankaasi uu shisheeyuhu soo maleegay.

Sida warsaxaafadeedka lagu sheegay duulaankaasi gardarada ah ee laga soo abaabulay gudaha Kenya uu khilaafsan yahay maslaxada nabad ku wada noollaashaha shucuubta gobolka iyo xeerarka caalamiga ee ku dhisan xaqdhawrka iyo ilaalinta madaxbannaanida qaranimo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13723 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: