Wararka

Is rasaaseyn ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa lagu dilay mas’uul ka tirsan Jubbaland…


Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in is rasaaseyn ka dhacday xalay magaalada Kismaayo lagu diley Cawil Cali Barre (Cawil Buluq) oo ahaa mas’uul ka tirsan dowlad goboleedka Jubbland iyo ganacsade.

Cawil Buluq oo kamid ahaa madaxda dakeda Kismaayo iyo labo qof oo kale ayaa la sheegay in ay ku dhinteen israsaasaym dhexmartay ciidamo kawada tirsan Jubbaland.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in Cawil Cali Barre oo ahaa mas’uul ka tirsan Jubbaland uu ku dhintay israsaasayn ka dhacday bar-kantarool oo u dhaweyd guriga uu ka dagan yahay magaalada Kismaayo.

Sidoo kale qoraalka waxaa lagu xusay in hay’adaha amniga Kismaayo ku guda jiraan waxa sababay rasaastaas.

Magaalada Kismaayo waxaa sanadihii ugu dambeeyay ku soo badanayay dilalka qorsheysan ee loo geysto ganacsatada Jubbaland.

Shabakada wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13723 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: