Wararka

Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hadlay dagaal ka socda duleedka degmada Beled Xaawo…


Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee dowlad goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hadlay dagaal saaka ka socdo duleedka Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Madaxweyne Kuxigeenka oo la hadlay BBC ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay ciidamadeeda soo weerareen Ciidamadii Jubbaland ee xuduudda ku sugnaa, dagaalkana uu sidaa ku bilowday, sida uu yiri.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Jubbaland ay la wareegeen gacan ku haynta qaybo ka mida Degmada Beled Xaawo, sida Saldhigga Booliska iyo Xarunta Degmada, dagaalkana uu ka socdo duleedyada degmadaasi.

Mar la weydiiyay in dagaalka uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayuu ka warwareegay, waxaase uu xusay in Saraakiil uu ka mid yahay Korneyl Cabaas Ibraahim Gurey ay ku sugan yihiin Saldhigga Booliska iyo Xarunta Degmada.

Su’aal ahayd khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaa waxa uu sheegay in weli uu dagaalku socdo, dagaal haddii uu dhacana uu khasaaro imaanayo, inkastoo sida uu sheegay uu yahay khasaaro aan loo baahnayn, masuuliyadeedana ay qaadi doonto Dowladda Federaalka.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa wax layaab leh ku tilmaamay in Dowladda Federaalka ay Ciidamada Jubbaland ugu yeerto jabhad ay soo hubeysay Kenya.

Dhanka kale qaar ka mid ah shacabka reer Beled Xaawo ayay waxyeelo ka soo gaartay madaafiic culus oo xalay lagu ekeeyay degmadaasi, inkastoo ay adag tahay in macluumaad laga helo inta uu khasaaraha rayidku gaarsiisan yahay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13361 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: