Wararka

Booliska Holland ayaa shaaca ka qaaday inay xabsiga u taxaabeen in ka badan 184 qof…


Booliska dalka Holland ayaa shaaca ka qaaday in ay xabsiga u taxaabeen in ka badan 184 dibedbaxayaal ah kuwaas oo habeenkii saddexaad ka waday dalkaasi dibedbaxyo rabshado wata oo ay kaga soo horjeedaan bandowga la xiriira cudurka Coronavirus.

Dadkan ayaa laga qab-qabtay magaalooyin kala duwan oo dalkaasi ah oo ay ku jirto magaalada caasimadda ah ee Amsterdam.

Dibedbaxayaasha ayaa geystay bililiqo iyo burbur goobo ganacsi, waxaana ay sidoo kale mararka qaar isku dhaceen booliska.

Booliska ayaa dhankooda u adeegsaday dibedbaxayaasha sunta dadka ka ilmeysiisa iyo booyado biyaha tuura.

Dibedbaxan ayaa yimid xilli dowladdu soo rogtay bandow cusub maadaama uu ka daray cudurka COVID-19, iyadoo ay dadku horay ula tacaaleen kii sannad kahor la saaray.

Lama soo sheegin wax dhimasho ah ilaa iyo hadda oo ka dhashay dibedbaxaasi.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13263 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: