Wararka

Kenya ayaa ku tilmaamtay waxba kama jiraan eedeyntii Somalia uga timid ee dagaalka…


Wasiirka Wasaarrada Amniga dowladda Kenya Fred Matiang’i ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeyn dowladda Soomaaliya oo ah in ay dagaalka Gedo ka qeyb qaateen ciidamo ka soo gudbay dhinaca xadka Kenya.

Wasiirka ayaa sheegay in aysan jirin ciidamo ka gudbay xadka oo ka qeybqaatay dagaalkii Beled-Xaawo isaga oo intaa ku darray in dagaalkaasi uu ahaa mid u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Jawaabta Wasiirka Amniga Kenya ayaa noqoneysa mid toos ah oo ka dhan ah eedeynta uga timid dhinaca dowladda Soomaaliya marka loo eego qoraalkii shalay ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Dibada Kenya.

Xiriirka labada dowladood Soomaaliya ayaa bilihii ugu danbeeyayba ahaa mid sii xumaanayay kadib markii ay dowladda Soomaaliya ku eedeysay Kenya inay fara-galin qaawan ku heyso madax-bannaanida dhulleed jiritaanka Qarannimada Soomaaliya.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13361 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: